Welcome to Radio Buuhoodle

Go to English Page
SUUGAAN
Canbaro vs Hurre 1 
Canbaro vs Hurre 2

Gabay-Kowdheh



News in Audio
BBC:11:00-11:10 
BBC:14:00-15:00 
BBC:16:00-16:15
BBC:18:00-18:30


Audio Links
Radio SCERDO
Radio laascaanood
Radio Warsan
Radio Sahan
Radio Sagal
Radio Qaran
Holland Radio
Radio Sweden


Listen or Read Quran
IslamicCity

MARKACADEEY ARTS



Somali Links
Biyo kulule
Aftahan.com
Widhwidh online
Laascaanood
Nugaal Net
Togdheer
AllPuntland
WaamoNet
Buuhoodle Net
Marka Caddey
Hiiraan
Somalitalk
SomaaliNet
Banadir
Somaliland

Newslinks
Somalia News
Arab News
Aljazeera.net
BBC World



Somalia Weather

 



 DALIIL
Maansadan cusub ee la magac baxday DALIIL waxaa curiyey abwaan Axmed Cabdi Geele. Waa maanso waddani ah oo uu abwaanku ku cabirayo xaaladda maanta ee Soomaaliya, kuna guubaabinayo ummadda Soomaliyeed 

Ma dhamaanin doodii 
wanaag loogu magac daray
Anna daabaddaan koray 
weli faraskii kama degin
Jeer aan daliishado 
daruuraha cirkoo da'ay
Dhulkana doog ka soo baxay 
Xooluhu ku darareen 
Dumarka iyo caruurtii
Diihaalku soo maray
Ku soo daalay gaajadu
Farxad iyo damaashaad 
Dugsiyada la joogaan 
Furi maayo duubkoo 
Faraskayga kama dego
..............................
Jeer aan daliilshado 
Dadkan kala shakiyayee
Shaydaanku kala dilayoo
Deris iyo walaalo ah
Dirirtii sokeeyiyo
Dulmigay sameeyeen
Deeqsiga ilaahay 
Dembi dhaaf si wada jira
Uga doona keligii
Furi maayo duubkoo 
Faraskayga kama dego
..............................
Jeer aan daliishado
Dawlad caadiloo wacanoo
Diinta iyo shareecada 
Dastuur nooga yeeshoo
Xaqa dibadda yaallaa 
Dadka uu u siman yahay 
Furi maayo duubkoo 
Faraskayga kama dego
..............................
Jeer aan daliishado 
Calankii la duugaye 
lagu daray xabaaluhu
Xamar dacaladeediyo
Gobolada dalkoo idil 
Isagoo dul sudhanoo 
Sida dayaxa oo kale 
Shacabkeenu daawado
Furi maayo duubkoo 
Faraskayga kama dego
..............................
Jeer aan daliishado 
Xoogii dalkee tegey
Diyaaraadka samadiyo 
Dabaabaadka guuxee 
Goobaha dagaalkiyo
Efenteri dirays xidhan oo
U midaysan daafaca 
Furi maayo duubkoo
Faraskayga kama dego
..............................
Jeer aan daliishado 
Heeryada dusheeniyo 
Duudkeena saarani
Iyadoo na daysoo 
Sharaftaynu duugniyo 
Derejadaan lahaynoo 
Rabi noogu deeqoo
Dadku inagu kuunyaan 
Furi maayo duubkoo 
Faraskayga kama dego
..............................
Jeer aan daliishado 
Dahabkiyo shidaalkiyo
Khayraadka dihinoo 
Debedaa la soo dhigay 
Deegaanku yahay qani
Dawladaha shisheeyee 
Ina duudsiyaayaa
Ina soo dalbaanoo 
Shaqo inaga doonaan 
Furi maayo duubkoo 
Faraskayga kama dego
..............................
Jeer aan daliishado 
Wankeenii la diidiyo 
Dibigii la nacayoo 
Dekedaha ka dhoofoo 
Doonyuhu xambaaraan 
Furi maayo duubkoo 
Faraskayga kama dego
..............................
Jeer aan daliishado 
Damalka iyo galoolkii 
Duunyadu ku noolayd
Ee dabarka loo jarayoo
Laga daayey goontii oo
Dib u soo cawaal baxay
furi maayo duubkoo 
faraskayga kama dego
..............................
Jeer aan daliishado
Qaxootiga daluumaye 
Debedaha u kala kacay 
Iyadaan dalkuu tegey 
Ka dalbaynin geediga 
Dib u soo noqdeenoo 
Ay soo dalxiiseen 
Furi maayo duubkoo 
Faraskayga kama dego
..............................
Jeer aan daliishado 
Dalkii gaalku iibshaye
Shanta gees u kala diray
Qaar deriska laga gaday
Deyr qudha ku wada jira
Calan keliya daafaca
Furi maayo duubkoo 
Faraskayga kama dego
..............................
Jeer aan daliishado 
Cusbataaladii dumay
Ee digfeer u weynaa
Oo dib loo hagaajoo 
La daweeyo maatada 
Digtooradi ka dhoofaye 
Debedaha miciinsaday 
Diyaaraadka guuxiyo 
Ay doonyo keeneen 
Dekedaha ka soo degey
Dantii ay lahaayeen 
Hawsha qaran ka door biday 
Oo daacadnimo iyo 
Dadaal yahay iskaashigu
Furi maayo duubkoo 
Faraskayga kama dego
..............................
Jeer aan daliishado
Dulmigan baahay ee jira
Ee daalin xoog weyn
Daciifka iyo miskiinkii 
Kaga diirto xoolaha
inta xaqu dilaaciye
Sida dayaxa soo bixi 
Furi maayo duubkoo 
faraskayga kama dego
..............................
Jeer aan daliishado
Daaraha hargeysiyo
Dekedaa berbera iyo 
Boorame dushiisiyo 
Daafaha kismaayoo
Aan la isu diidayn 
Dadkuna uu is jecel yahay
Dacartii qabiilkiyo 
Danaystuhu ku kala xidhay
Oo laga dawooboo 
Dadku yahay walaaliyo 
Deris oodda wada yaal 
Furi maayo duubkoo 
Faraskayga kama dego
..............................
Jeer aan daliishado 
Darwiishkii taleex iyo 
Daafaha nugaaleed 
Qalcadaha difaaciyo
Ka sameeyey daaraha
Ee yidhi dadkaygow 
Dabkan aan shidaayaa 
Dawadiina weeyee
Daafaca dalkiinoo 
Dakharka iyo dubaaqada 
Dacar how malaynina 
Goobihii dagaalkee 
Lagu dilay gumaysiga
Ee haadka duuliyo 
Ka dibiray waraabuhu
Daribtii cadaawaha
Taariikhda dunidani 
Dadka nagaga soocdee 
Diiwaanka noo galay 
Waa ka u da'weynoo
Darwiish lagu xusuustaa 
Dariiqii xornimadiyo 
Dawladnimada keenaye 
Ina diirshay weeyee
Ilaa dogobyaduu shiday 
Iyo duubcaddiisi
Daljirkii dahsoonaa 
Dadaalkay sameeyeen 
Taariikhda lagu daro
Furi maayo duubkoo 
Faraskayga kama dego
..............................
Inta weli damiirkii 
Uu ku sii danbeeyow
Digtoor iyo wadaadow
Danaystaha qabiilkiyo
Ku shaqaysta doqonkow
Doodi waa dariiqeed 
Dadna waa is raacii 
Dawladi midnimadeed
Diini waa ku dhaqankeed
Dulmi waa ka cararkii 
Xaqna waa difaacii 
Dagaal waa balaayiyo 
Kii dumiyey qarankii 
Waa daruuro da'ayoo 
Soo saara dooggoo
Iina deeqa nabadiye 
Ma doonnaa wanaagoo 
Balaayada ma diidnaa 
Ma dhisnaa dalkeenoo 
Dadka ma u horseednaa 
Dawo lagu bogsoodoo 
Daacuunku kaga boxo
..............................
Inta weli damiirkii 
Uu ku sii danbeeyow
Digtoor iyo wadaadow
Inta daacada ahay
Inta qaranki dimay iyo 
Ka diiraysa xumahaay
Inta dibada joogtee 
Dawlado shisheeyoo 
Ku dhufteen dabayluhu
Ugu deeqa lacageey
Ilaah daayim weeyoo 
Ma dulmiyo dadkiisee 
Inagaa dulownoo
Daayeero noqonaye
Inta aan ilaahay 
Dabaylaha dhacaayiyo
Badda inagu sii deyn
Dukumdaakum naga dhigin
Danbigaan samaynaa 
Buuraha dushoodiyo
Buux dhaafshay dunidee
Xaqa duudsigiisiyo 
Dulmiga ma iska daynaa
Mise wayska daalaye
Doqoni waa halkeedii


ALLOW DAWLAD NOO KEEN (Maanso)
Maansadan Alloow Dowlad noo keen waxaa ay ka mid tahay Suugaantii ugu dambaysey ee ay abwaanada Soomaaliyeed tiriyeen waxana curiyey Abwaan Maxamuud Cumar Cigaal (Takar) oo Bare ka ah Dugsiga Sare ee Buuhoodle.

Waxaan ahay aqoonyahan
Axkaamta iyo shareecada
Madhabaha Islaamkee
Aa,imadu jideeyeen
Afartaba u shiikhoo
Awyare hordhiganayn
As,ilana mid Maaddi ah
Af shisheeye kay tahay
Aada uga jawaaboo
Eray lagu xidhaynine

Waxse iga awood badan
Ummaddaan la noolahay
Een iba ogsoonayn
Ayaa iga ordaysoo
Ummi iyo agnaan iyo
Afmiishaar dilaaliyo
Odayaal abqaystiyo
Dagaal ooge laayoo
Lagu soo asmeeyiyo
Inkaar qabaa u taliyoo
Bulshadii asqawdoo
Ambatoo habowdoo
Irmaankiyo horweynkiyo
Awrka dhibishaxleeyiyo
Aalo iyo Lo, xaasiyo
Ido laysku sii Daa

Sida Ilko dameeraad 
Ayaa loo Sinaadoo
Geesigii adkaa iyo
Aarkiyo libaaxii
Laga alabasayn jiray
Ma ogtahay ardaal iyo
Afku xoogle tookhiyo
Ilmahaa u dhaartoo
Isaguna i daa iyo
Abhis buu ku waashoo
Ergo wuu ka quustoo
is aqoonsan weydoo

Ruux ruux Amraayiyo
Office order bixiyiyo
Askar laga cabsoodiyo
Aadmi kala xishoodiyo
Ixtiraam la waayoo
Aakhiru samaankaa 
ibtilooyin wada oo
Isku ada asqawdaye
Aaway kala dambayntii?

Balse waa Adduunyoo
Ahaan mayso sidatane
Aarmiga markaan Guro
Een ammaanka soo sugo
Ninba waa ishiisoo 
La is eegan maayee
Ha iska kala Aroortee
Imtixaan is reebreeb
Markuu uunku kala hadho
Ninka adhi dammaan iyo
Aaran geel la raacshee
Aydaa wareegiyo
Agaasime xil qaadoo
aqoontiisu siisiyo
Aagga Taliye Qaybeed
Ninba kuu istahilo
Hala kala Ogaadee
ALLOOW DOWLAD NOO KEEN>

waxaan ahay Waxgarad Oday
Amuuraha islaaxiyo
Amni kaga shaqeeyoo
Ergo xaajo lay wacay
Eexo ugu garsooreyn
Waxse iga awood badan
Ummaaddaan la noolahay
ee ibleysku duufsaday
Ayaa iga irdhoowdoo
Bal ayaan darrida taal
Waxay amar ka qaataan
Mid Ilaah habaariyo
Axmaq aan u tudhinoo
Aake iyo baroon iyo
Afdabayl ku weerara

Balse waa adduunyoo
Ahaan mayso sidatane
Aarmiga markaan Guro
Een ammaanka soo sugo
Abriskiyo abeeskii
Alleylkii wax miri jiray
Bahalkii amlayn jiray
Iyo agagaskii tuug
waxuu alamsanaayiyo
Axankii ha waayoo
Agoontii la dhici jiray
Urugadu ha daysoo
Islaaxiyo heshiiskiyo
Ha adkaato nabaduye
ALLOOW DOWLAD NOO KEEN

Waxaan ahay abwaan Weyn
Odayaad taqiineen
Abtirsiga ku raacoo
Murti iyo Odhaah gabay
erayada qormaayiyo
Hal abuurka maansada
Eebbaa igu Manaystoo
Isir baan u leeyahay

Waxse iga Awood badan
Ummadaan la noolahay
ee ibleysku duufsaday
Ayaa iga irdhowdoo
ma ogtahay afkeennii
Alifbeeto shaqliyo
naxihii aloosnaa
waxii uu ustaad baray
ardadiyo iskuulada
waa la kala Illooboo
Imtixaan la qaadaba
Uluuf baan gudbaynoo

Ibtilada waxaa dhigay
Ashqaraarka Video
Alxan muusik loo tumo
Iyo alalag beenbeen
Yaa amaan la moodoo
Ilbaxnimada qaarkeed
ambashay horseedoo
Dhaqankiyo asluubtiyo
anshaxii xumaayaye
Alloow sahal umuuraha.

Islaan iyo malaaq iyo
Ugaas iyo Suldaan iyo
Amiir iyo Garaad iyo
Usha Boqorka qaatiyo
Isimadi badnaadoo
Arbush bayna haystee
Alloow sahal Umuuraha.

Wax waliba inshaariyo
Inkaar iyo nacayb lehe
All ka cabsi mooyiye
Awgii siyaariyo
Awlalkiyo leggii waa
Kaalintii abwaankana
Dar iimaanka Beeliyo
Afku maal qadhaabtoo
Soor ku iibsadaa Dilay

Waxse la arki doonaa
Maanta la isku aadshee
Suugaanyahan Ardaa iyo
Gole loo umaamado
Afar jaban mid tuuroo
Iska amamaleeyiyo
Mid aqoonsi weyn iyo
Ashahaado haystoo
Intuu ararta guud maro
Ujeedada u Daadega
Ha lakala ogaadoo
Asad hayska Muuqdee
Alloow Dawlad Noo keen
Aamiin    aamiin Aamii

Afartaa is dhaafsaye
Abwaanada dalkeeniyo
Aqoonyahanka dhoof jira
Idilkood ha gaadhoo
Idaajaa ha weriyee
Ina aadan weriyoow
Interneetka ii Geli........
 

Waxaa tiriyey 
Maxamuud Cumar Cigaal (takar)

World Time Zone Calander

Contact: webmaster@radiobuuhoodle.com
Copyright © 2005 radiobuuhoodle.com, All rights reserved